Khabiir Maraykanka u dhashay oo Khiyaano iyo Dhac ku eedeeyey Shirkada Flydubai.

Hargeysa (SM)- Michael Rubin oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha siyaasada islamarkaana hore uga soo shaqeeyey aqalka cad ee maraynkanka looga arrrimiyo, sidoo kale faallooyin iyo aragtiyo kala duwan ka qoray Geeska africa gaar ahaan somaliland oo uu qadiyadeeda marar badan u badhigay bulshada caalamka iyo warbaahinta ugu afka dheer dalka maraykanka ayaa qoraal uu ku  baahiyey bartiisa twitterka, waxaa uu si kulul u dhaleeceeyey adeegayada shirkada diyaaradaha flydubai.

Khabiirkani waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in shirkada diyaaradaha ee flydubai aanu arag shirkad ka sumcad xun sida shirkada fly dubai oo kale,wuxu yidhi iyaga oo joojiyey duulimaadyo ay ugu kicitimijireen meel kala duwan ayaa ay haddana tigidhada lagu raaco diyaarada ku iibinayaan xafiisyadooda iyagoo og in aaney u dhoofaynin meelaha ay dadka u jarayaan tigidhkooda.

Michael Rubin waxa uu sheegay in ay arrintani tahay khiyaano cad oo ay shirkada flydubai ku sameynayso bulshada iyagoo foojaro aan macno lahayn u jaraya bulshada oo khiyaano ah.

Dhaleecaynta uu u jeediyey khabiirkani shirkada flydubai ayaa kusoo beegmaysa xili ay dhawaan somaliland sheegtay in joojisay duulimaadyadii ay bulshadu u raaci jireen wadamo kala duwan, iyadoo aaney jirin sabab rasmiya oo loo sheegay dadkii wakhtiga ay go’aankaa soo saartay shirkadu ka goostay tigidhada diyaarada ee diyaarka u ahaa duulimaadyadooda.