Madaxweynaha Somaliland oo Xeer Madaxweyne Ka Soo Saaray Ka Qaybgalka Siyaasada Somaliya iyo Isu.

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu ka soo saaray Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya ee qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in xukuumadda oo kaliya oo metalaysa Shacabka Somaliland ay ka qayb-gali karto shirarka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas awgeedna aan cid kale loo oggolayn inay sifo uun kaga qayb-gasho ama ku lug yeelato arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Xeerka madaxweyne Muuse biixi ka soo saaray oo ka kooban Afar Qodob, waxa uu ku sheegay in cid kasta oo ka hor timaadda go’aankii ay labada gole baarlamaan hore uga soo saareen ka-qayb-galka Arrimaha siyaasadda Soomaaliya loo arkayo inuu ku kacay khiyaamo Qaran, waxaanu hay’adaha ammaanka ee ay khuseyso ku amray inay tallaabo sharci ka qaadaan cid kasta oo lagu helo fal-dambiyeedkan.

Salaanmedia/Hargysa