Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Weerarka Gobolka Sool iyo Inqilaabka Farmaajo ee Villa Somalia

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay weerar khasaare nafeed sababay oo malleeshiyaad ka amar-qaata Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaadeen deegaamo ka tirsan Gobolka Sool.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-qarxay raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo cirka isku shareeray, waxaanu sababaha khilaafka ku eedeeyey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.