Musharrax Cirro oo War aan looga Baran ka sheegay Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SM)- Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku jooga dalka Sweden, ayaa kulan la qaatay taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan dalkaas, waxaanu uga xog-warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo damaciisa hoggaaminta talada Somaliland.

Murashax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu taageerayaasha Xisbiga WADDANI xog-warran ka siiyey doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dalka iyo qorshaha doorashooyinka soo socda.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii Murashax Cirro ka jeediyey Munaasibadda uu kula hadlay taageerayaasha xisbiga WADDANI ee Sweden