Taiwan, Somaliland iyo Shirkadda Genel Energy oo kala Saxeexday Heshiis lagu soo saarayo Shidaalka JSL

Hargeysa (SM)- Shirkadda OPIC Somaliland Corporation (OSC) maalgelin Dhaqaale ka helaysa shirkadda ay leedahay dowladda Taiwan oo lagu magacaabo CPC Corporation, ayaa heshiis Saami-qaybsi oo shidaal lagaga baadhayo Somaliland la gashay Genel Energy oo hore u haysatay boqolkiiba 100 xuquuqda shidaal baadhista Baloogga SL10B13 oo ay hore u siisay Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo.

Shirkadda Genel Energy ayaa shaacisay inay heshiis kula gashay shirkadda OSC inay la wareegto boqokiiba 49 lahaanshiyaha xuquuqda shidaal-baadhista ceelka SL10B13 halka shirkadda Genel Energy sii haysan doonto saami dhan 51%, waxaanay noqon doontaa shirkadda gacanta ku hayn doonta hawsha baadhitaanka Shidaalka.

Si aad u akhrisato Warkan oo faahfaahsan Guji sawirka Hoose