Dowladda Canada oo Shuruud ku xidhay Aqoonsiga Somaliland oo loo gudbiyey

Ottowa (SM)- Jamhuuriyadda Somaliland oo hawlan olole ay dunida kaga raadinayso aqoonsi caalami ah, ayaa dowladda Canada ka dalbatay Aqoonsi iyo taageero dhaqaale, taas oo ay sheegtay inay muhiimad u leedahay waddamada reer galbeed inay taageeraan dimuqraadiyaddeeda oo hortaagan saamaynta Shiinaha ee gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu xusay warbixin ay qortay jariiradda Globe$Mail oo soo xiganaysa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd oo dhawaan socdaal qayb ka ah ololaha aqoonsi-raadinta ku tagay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada iyo sidoo kale wefti ka socda Congress-ka maraykanka oo socdaal ku yimi Somaliland, Dr Ciise Keyd ayaa intii uu socdaalka ku joogay dalka Canada waxa uu kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxaanu u soo bandhigay qadiyadda Somaliland iyo sida ay u kala duwan yihiin dalkiisa iyo waddankii hore laysugu odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, maadaama Canada aanay ka mid ahayn waddamada reer Galbeedka ee xidhiidhka tooska ah la leh Jamhuuriyadda Somaliland.