“Macalimuu wuxuu ahaa qof aan ku aaminay nafteyda” Mary Harper.

“Macalimuu wuxuu ahaa qof aan ku aaminay nafteyda” Mary Harper.

Waxa aan hayaa liiska macluumaadka muhiimka ah ee ku kaydsan taleefankayga. Midigta sare meel ee u dhow, oo ka sarreysa lambarkayga baasaboorka iyo faahfaahinta akoonkayga bangiga, waxaa ku qoran magaca Mucallimuu, lambarka 16.5 iyo ereyadan “jecel kuwo leh midabka buluugga ah iyo caddaanka”.

Kuwani waa cabbirka shaadhka iyo midabada uu jecelyahay saaxiibkayga qaaliga ah Maxamed Ibraahim Mucalimu, oo ahaan jiray weriyaha BBC-da ee Soomaaliya.

Mar kasta oo aan Muqdisho booqdo waxaan u soo iibiyaa shaadh Mocallimu.

Waxaan jeclahay inaan aado Jermyn Street oo London ku taal, si aan uga soo gado goobaha labbiska ragga ee qurxoon lagu iibiyo. Waxaan u kala soocaa daraasiin iyo daraasiin midabyo ah, qaabab iyo naqshado, anigoo raadinaya kaliya nooca saxda ah ee uu jecel yahay.

Runtii, laba shaadh oo noocan oo kale ah ayaan shandadeyda ku sugaya marka xigta ee aan tago Soomaaliya si aa u siiyo saaxiibkay.

Dhibaatadu se waxay tahay, waxaa laga yaabaa in Macallimow uusan halkaas joogin. Waxa uu ku jiraa isbitaal ku yaala dalka Turkiga. Halkaas ayaa diyaarad yar lagu keenay.

Maalintii Axadda, Mucallimuu waxaa lagu ekeeyey weerarkii shanaad ee ismiidaaminta ah. Markan waxa uu ahaa bartilmaameedka tooska ah.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa ku soo orday gaarigiisa oo isku qarxiyay markii uu soo gaaray goobta uu fadhiyay Mucallimuu.

Wax yar baa ka hadhay jidhka ninkii weerarka gaystay. Gaadhigiina waxaa gaadhay burbur laxaad leh.

Ma fahmin sida uu ku badbaaday Macallimu. Lug ayaa ka jaban, laabtana dhaawac ayaa ka soo gaadhay iyo dhaawacyo kale laakiin waa uu soo jeedaa, ladan yahay oo si toos ahna wax u kala garanayaa.

Waxa uu diidey in uu baxo
Marka ugu horreysa ee aad la kulanto Mocallimow, waxa ugu horreeya ee kuu muuqanayaa waa xarriijimaha iyo xagtimaha ka muuqda wejigiisa, kuwaas oo ku dhigmay weerarkii labaad ee uu ka badbaaday 2016-kii.

Xilligaas, waxa uu fadhiyey maqaaxida uu jecel yahay ee gadda kalluunka, markaas oo dagaalyahnno Alshabab ahi ay soo weerareen goobta oo badda u dhaw, saacadana ay ku jireen meeshaas.

Macallin wuxuu xilligaas ku badbaaday isaga oo iska dhigaya inuu dhintay.

Wuxuu ii sheegay sida ay dagaalyahannada kooxdaasi u laadlaadayeen meydka dadka si ay u hubiyaan in ay dhinteen, iyagoo toogtay kuwii dhaqdhaqaaq muujiyey

Waxay qaadatay daweyn bilo ah oo gaadhsiisan illaa Soomaaliya, Kenya iyo UK si loo bogsiiyo. Cabsida ugu weyn waxay ahayd indhihiisa.

Way adag tahay in dabeecadda Macallimow lala xidhiidhiyo dunida khatarta ah ee uu ku nool yahay, wuuna diiday inuu ka tago.

Waa mid debecsan, si tartiib ah u hadla oo deggan.

Muqdisho iyo qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool waa dad hadallo taagtaagan, oo qaylo badan una muqda dad dabeecad adag. La yaab ma leh marka la eego in magaalada ay dagaal ku jirtay in ka badan sodon sano.

Waxaan ku sugnaa Muqdisho wax yar ka dib markii Mocallimow uu soo gaadhay weerarkii ugu horreeyay ee ismiidaamin ah.

Bishii June ee sanadkii 2013 ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen Qaramada Midoobay, halkaasi oo muddo saacad ku dhow ay ku dileen dad badan intii ay ka gaadheen.

Mocallimow ayaa xilligii weerarkaa watay gaadhi goobta ka agdhawaa. Hadhaaga ruux ismiidaamiye ahaa ayaana ku soo dul dhacay gaadhigiisa, isaga oo burburiyay muraayaddii hore ee gaadhigiisa.

Si asluub leh oo aan xishood lahayn ayuu Mucallimuu ii tusay muraayadiisii hore oo si fiican oo run ah u burburtay, wuxuuna ahaa sawir la qaaday kolkii weerarku dhacay kaddib.
Waxa uu waydiiyay haddii aan u malaynayo in BBC-du ay bixinayso kharashka muraayaddiisa lagu hagaajinayo.

Waxaas oo dhan ka dib, waa uu shaqaynayey waagaas, siiba in uu ka warbixiyo, sidii uu marar badan samayn jirey, rabshadihii ka dhacay magaaladiisa.

Ma jiri lahayn sabab BBC ay u soo tebin lahayd xogaha Soomaaliya haddii aysan u shaqaynayn dad sida Mucallimuu oo kale ah.

Hadda wuxuu ku shaqeeyaa afhayeen dowladeed, laakiin markii uu BBC-da ka tirsanaa, sidoo kalena uu soo diri jirey warbixintiisa, Mucallimuu wuxuu mar walba diyaar u ahaa inuu dadka aniga oo kale ah u sheego sida saxda ah ee wax u jiraan.

Ilaa iyo maanta, mar kasta oo aan waco, waxa uu ku bilaabayaa liiska wixii dhacay maalintaas – dilalkii qorshaysan, qaraxyadii, dagaallada siyaasadeed ee gudaha.

Waxa uu sameeyaa sidan xataa haddii ujeeddada wicitaankaygu ay tahay keliya in aan weydiiyo nooca shaadhka aan u keeno doono isaga.

Markii uu Mocallimow uu igala shaqaynayey BBC-da, isaga iyo qof kale ayaa ahaa kuwa keliya ee aan wacay intii aanan Soomaaliya tagin.

Haddii uu Mucallimuu yidhaahdo: “Ha iman” – maan tegi jrin, xitaa haddii xaalku u muuqdo mid deggan. Mocallimow haddii uu yidhaahdo: “Kaalay” – waan imaaddaa, xitaa haddii xaalka ammaanku u eeg yahay mid kacsan.

Mucallimuu nolosheyda ayaan ku aaminay. Waxa uu ahaa mid ka mid ah geesiyaasha aan sheegsheegin ee ku jira xirfadda warbaahinta.

Way igu adag tahay in aan fahmo sababta saxafiyad badan magacooda loogu lammaaniyo geesinnimo, xilli ay jiraan kuwo badan oo ka mudani.

Soo saare barnaamij, kamarad-yaqaan, cod duube iyo, waxa ugu muhiim ee uu ahaa oo ah saxafi “maxalli ah”, oo mararka qaarkood aannu ugu yeedhi jirney “hagahayaga”, kaas oo uu aad u yaqaannay wax walba oo kooxda shaqadu u baahan tahay.

Mocallimow wuxuu ka mid ahaa dadkaas, sidoo kale waxaa jira tiro saxafiyiin kale oo Soomaaliyeed oo aan la shaqeeyo oo iyaguna naftooda halis geliya maalin kasta.

1px transparent line
Kadib markii uu saxaafada ka tagay waxaan u sheegay Mucallimuu sida aan uga niyad jabay in uu noqday afhayeenka dowlada.

Sidee buu saxafigaas daacadda ah ugu biiri karaa “dhinaca kale”?

Sida had iyo jeer, jawaabtiisu waxa ahayd mid cabbiran.

“Waxaan rabaa inaan isbedel sameeyo, ma sameyn karin taas wariye ahaan, waxaan u baahanahay inaan ka shaqeeyo nidaamka dhexdiisa, waxaan rabaa inaan noqdo xildhibaan, tani waa tallaabadii ugu horeysay ee aan u qaado dhankaas.”

Ka dib markii uu qabtay shaqadiisa cusub, waxaan ku qasbanaaday inaan xidhiidh rasmi oo ka duwan kii saaxiibtinnimo la yeesho isaga.

Shaadhadhkiisa ayaa sidoo kale noqday kuwo heersare ah. Waana in ay noqday kuwo aan barabaro iyo liiddimo lahayn una badan caddaan maaddaama hadda u baahan yahay inuu u xidho suudhadhsare.

Laakiin mar kasta oo aan ku socdo Waddada Jermyn, waxaan had iyo jeer ka fekeri doonaa farxadda aan ugu doorayo shaadh isaga, markasta iskudaygaygu waa inaan is leekaysiiyo noocyadii uu jeclaa, middabbada iyo metelaad guud oo ka turjumaysa dabeecadiisa, degganaantiisa iyo naxariistiisa.

BBC Somali