Taariikh Nololeedkii Marxuun Dr Axmed Xasan Goolle

Allaah ha u naxariistee marxuum Dr. Axmed Xasan Goolle  oo ku geeriyooday Caasimadda JSL ee Hargeysa maalintii Axadda 23-kii January 2022, laguna aasay Xabaalaha Masallaha ee Hargeysa wuxuu ahaa aqoon yahan ka tirsanaa bahda caafimaadka muddo dheer, in badan na soo shaqeeyay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.  Dr, Goolle wuxuu bartay cilmiga caafimaadka gaar ahaan cudurrada ku dhaca haweenka iyo habka maaraynta nidaamka caafimaadka, waxaanu ahaa ruug caddaa ah ku xirfaddiisa shaqo, kuna sifoobay karti iyo hufnaan.

Wuxuu ka mid ahaa rukunadii soo yagleelay taabo-galinta nidaamka maamul ee ay maanta ku dhisan tahay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo gaar ahaan caafimaadka Gobolka Maroodijeex ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu muddo dheer guddoomiye ka ahaa. Marxuumku muddo labaatan sano ku dhaw ayuu uso shaqeeyay Wasaaraddan Horumarinta Caafimaadka JSL (1994-2012) marka laga reebo hal sano oo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha JSL ahaa (2009-2010).

Alla Haw Naxariistee Marxuum Axmed Xasan Goolle wuxuu ku dhashay Caasimadda JSL ee Hargeysa sannadkii loo bixiyay Olol-dheere ee 1950-kii, yaraantiisii waxaa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe ku soo qaatay Sheekh Bashiir, halka waxbarashada dugsiga sarena ku qaatay Dugsigii Farsamada Gacanta, kadibna, wuxuu galay Jaamacaddii Culuunta Caafimaadka ee dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya.

Markii uu dhamaystay waxbarashadiisa heer jaamacadeed waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay gobollo ka mid ahaa Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa xilkaas inuu  agaasime ka soo noqday Cisbitaal ku yaallay magaalada Boosaaso ee Dalka Soomaaliya. Kadib ula soo noqoshadii madaxbaanida JSL, wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadk Gobolka Maroodijeex 1991 illaa 1994, isla wakhtigaasna wuxuu u qaabilsanaa Dawladda Hoose ee Hargeysa hawlaha farsamo ee caafimaadka bulshada & fayo-dhawrka Hargeysa.

1994-kii xilligii dagaalkii foosha xumaa ee sookeeyaha, wuxuu Goolle qayb libaax ka qaatay gaadhsiinta adeegga caafimaad ee dawooyinka dhammaan goobaha adeegyada caafimaad ee ku yaallay deegaannadii ay dadku u barakaceen. Muddadii u dhaxaysay 1994-kii illaa 2012-kii wuxuu xilal kala duwan iyo hawlo baxaad leh ka soo qabtay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL sida taariikh nolokeedkiisan ku xusan

1995-kii 1996-kii, wuxuu muddo sannad ah ahaa Ku-simaha Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex. 1997-kii illaa 1998-kii wuxuu ahaa Kormeeraha Nidaamka Kharashaadka Goobaha Adeegyada Caafimad. 1999-kii illaa 2000 wuxuu ahaa Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Markii dambena waxaa loo magacaabay Madaxa Nafaqada Qaranka, waxaanu hayay xilkaas 2001-dii illaa illaa 2004-tii.

Marxuum Goolle wuxuu muddo sideed sano ah ku dhaw oo beegnayd 2005-tii illaa 27-kii May 2012 ahaa Guddoomiyaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex muddadaas oo uu hawlo badan oo waxqabad horumarineed iyo awood dhisideed ka soo qabtay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL isagoo kaalin weyn ku lahaa dib u habayn lagu sameeyay waaxyaha caafimaadka iyo adeeg bixinta, siyaasadaha iyo nidaamka guud ee ay maanta ku shaqayso wasaaraddu.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii UDUB, xubin Golaha Dhexe iyo markii dambe xubin Guddida Fulinta Xisbiga, waxaanu Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin u magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL 2009-kii, xilkaas oo uu hayay illaa June 2010-kii markii xukunka uu la wareegay Xisbiga Kulmiye kadib doorashadii madaxtinimada ee 2010-kii. Markii uu wareejiyay xilkaas wasiir-ku-xigeenka, waxaa markale loo magacaabay Guddoomiyaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex.

Alla Haw Naxariistee Marxuum Axmed Xasan Goolle muddadii uu noolaa wuxuu guursaday haweenay kaliya oo u dhashay sagaal ubad ah, todoba wiil iyo laba hablood oo dhammaantood nool.

Dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo iyo Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxay tacsi u diraynaa qoyska, ehelka iyo dhammaan asxaabta uu ka baxay Marxuum Axmed Xasan Goolle, waxaanan Ilaahay uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana Ilaahay danbigiisa dhaafo oo naxariistii janno ka waraabiyo.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Xasan Yuusuf
xasanafgaab@gmail.com