Ujeeddada Safar ay Dalka Ethiopia ugu baxeen Wefti uu hoggaaniyo Wasiirka Maalgeshiga Somaliland

Wajaale (SM)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Somaliland mudane C/laahi C/raxmaan Aare oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi mudane maxamed cismaan siciid (maxamed soomaali) ayaa Isniintii shalay gaadhay magaalada jigjiga ee dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxana weftigan si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyey magaalo xuduudeedka tog-wajaale. mas’uuliyiin uu hor-kacayo wasiirka xafiiska maal-gelinta iyo warshadaha ee D.D.S mudane Dayib Axmed-nuur ayaa si diirran magaalada tog-wajaale ugu soo dhaweeyey wefdiga Somaliland iyo xubnihiisaba.

Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa daarnayd ka-qeyb-galka carwo-bandhigeedka ganacsiga iyo warshadaha ee ka socota magaalada Jig-jiga iyo khibrad-wadaag dhanka horumarinta warshadaha ah.

Duqa maamulka Tog-wajaale, mudane Mukhtaar Cabdi iyo wasiirka Xafiiska Maal-gelinta Iyo Warshadaha DDS, mudane Dayib Axmed-nuur ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo xidhiidhka labada dhinac ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha JSL Mudane C/laahi C/raxmaan Aare ayaa warbaahinta Deegaanka la wadaagay ujeeddada socdaalkooda.

Waxa aan rabnaa in aan sii xoojinno xidhiidhka ganacsi iyo isku-socodka ee Deegaanka soomaalida iyo Somaliland. Waxa qorshahayagu yahay hawsha weyn ee laga abaabulay magaalada jigjiga ee la xidhiidha ban-dhigga carwada ee ganacsiga, warshadaha iyo maal-gashiga in aan kala qayb galno una aragno sida ay isku abaabuleen iyo sida wax-soosaarkoogu yahay, annaguna khibrad iyo waayo aragnimo uga helno.

Ugu danbayn wasiirka ayaa ka mahad celiyay qaabilaaddaa iyo soo dhaweynta maqaamkeedu sareeyo ee ay u fidiyeen madaxda jigjiga taasoo uu ku tilmaamay mid walaalnimo iyo mid jaarnimo labadaba isugu jirta.