Hargeysa (SM)- Waxa magaalada Hargeysa maanta lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeedkii u horreeyey ee si rasmi ah loo shaaciyo, kaas oo loogu wan-qalay magaca Somaliland People’s Party (SPP) ama Xisbiyada Dadka Somaliland.
Munaasibadda daah-furka urur-siyaasadeedkan oo ku qabsoontay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay hoggaanka sare ee ururka oo isugu jira Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii isaga kala dambeeyey Somaliland.
Ururkan siyaasadeedkan waxa majaraha u haya Dr Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye) oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii xisbiga Kulmiye, kaas oo madasha kaga dhawaaqay daah-furka ururka siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee SPP.