“Waxaan La Yaabanahay Kan Faqashta Ah Ee Xamar Ka Yimi Ee Indha Adagga Leh” Rooda Cabdi Muuse Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE.

“Waxaan La Yaabanahay Kan Faqashta Ah Ee Xamar Ka Yimi Ee Indha Adagga Leh” Rooda Cabdi Muuse Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE.
======================================

Hargeysa (SM)Rooda Cabdi Muuse Oo Ka Tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE, Ayaa Si Adag u dhaliishay Haddalladda Guracan Ee Uu Cabdinaasir Buuni Wax Uga Masuuliyiinta Sare Ee Hogaamiya Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID.

Marwo Rooda Cabdi Muuse, Ayaa Buuni Ku Calaamaddisay Eregga FAQASH Oo Ahaa kalmeddii Caan Baxday Ee loo Adeegsan Jiray Xukunkii Uu Hogaamin Jiray Maxamed Siyaad Barre.

Rooda Cabdi Muuse Ayaa Siddan Ku Tidhi Qoraalkeedda “Gobtii Reer Awdal ee samirka badnayd.

Waxaa ka iman jiray rag dhaqanka isaaqa si fiican u yaqaana. Oo aaminsan haday isaaqu galinka hore is dilaan galinka danbe way heshiiyaan. Markaa dhex mooyee dhinac ha noqon.

Awdal waxaa ka iman jiray siyaasiyiin muranka isaaqa ama ka garnaqa ama ka gaabsada. Kuna godoboobin siyaasada.

Waxaan la yaabanahay kan faqashta ah ee xamar ka yimi ee indha adagleh. Ee haldoorkayagii sida jirida ula dhaqmaaya. Ceeb qaran iyo mid qoys bay nagu tahay . Sawirkan iyo hadaladan foosha xun ee uu hargeysa ka soo dhex gudbinaayo. Ninkani. Ceeb qaran iyo mid qoys bay nagu tahay.

Hadii aynu dadka aan birmagayda aqoon aynu dalka ku sii dayno sawirka ay bixiyaan . Waa mid umadaha kale kaftanka nagaga heli karaan
Rag madaxwaynayaal raba oo dhiig iyo dhuux mood iyo nool waxay lahaydeen dalkan ku dhanyahay ayuu ku leeyahay. Xirsiyow maad joogin ciro maad joogin 1991 kii

Ragan uu leeyahay maad joogin ciro iyo xirsiyow.
Anigu xisbigoodana kuma jiro tageerona uma ahi, Lkn buuniyow
Adeer waxaa dalka ka yaalaa ciro iyo xirsi kama yaalaan waxaa dalka kaga maqanina kaagama maqna.” Rooda Cabdi Muuse Oo Kamida Kaadiriinta Xisbiga KULMIYE Ayaa Qortay.

 

source Qumannews