BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GANACSATO IYO SHACAB.

BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GANACSATO IYO SHACAB.
___________________________________

Anigo ah Xildhiban Abdiqani Abdilahi
aadna ugu dhuun daloola kana warhaya samaynta ba,an ee abaarta iyo bahida biyala,aneed ee ka jirta gobolka togdheer iyo deegaanada ku teedsan,

■Waxaan usoo jeedinaya dawlada dhexe ee iyadu gacanta ku haysa inta ugu badan hantida ummadani leedahay oo aan aad utabayo wali gacanti ku haboonayd iyo doorki ay ku lahayd biya dhaankan inay culays wayn iska saaran abaarta saamaysay dad iyo duunyaba lana soo gaadho dadka

1. Biyo
2. Rashin ama waxay qutaan
3. In la dardar galiyo caafimadka dadka iyado aynu ognahay in abaartu dadka ku keento xanuno sida nafaqo daro iyo wixi lamida
4. In la dardar galiyo caafimaadka xoolaha, xoolaha oo iyagu ah isha kaliya ee dhaqale ee gobolkani leeyahay

Dhamaan amuraha aan soo sheegay waa doorki dawlada dhexe oo aan tabayo,

■Dhanka gacansatada waan ku amanaya doorka ay ku leyihin iyo shaqada ay ka gaysteen abaarta lakin waxaan uso jeedinaya inay sii laban laaban doorkooda waxqabad we abaarta ila hada way ku mahadsanyihin gacansatada gacanta wayn ka gaysatay abaarta, kuwa kale oo ila hada aan tabayo lkn se anan magacabayna waxaan uso jeedinaya inay qayb ka noqdaan gurmadkan socda ee abaarahaye

Dawlad, ganacsato, shacabka qaybihisa kala duwan dhamaanteen aynu iskaashano oo amuurtan isha ku hayno una kacno sidii aynu ucaawin lahayn dadkeena abaaruhu saameyeen.

Qore xildhibaan c/qani c/laahi axmed