Mid ka mid ah Madax Dhaqameedka Magalada Hargeysa Ayaa Sheegay In uu Damaanad qaaday inay Hesho kaadhka Dhalashadda

Mid ka mid ah Madax Dhaqameedka Magalada Hargeysa Ayaa Sheegay In uu Damaanad qaaday inay Hesho kaadhka Dhalashadda muwaadinimadda Gabadhii sheegay in loo diiday Dhalashadda Somaliland

Caaqilka oo Baraha Bulshada ku baahiyay Qoraal ayaa sidan Sheegay

“Anigoo ah chief caaqil cabdi guuleed gaboobe
Waxaan damiin buuxa ka noqonayaa inantaa ka cabaneysa in loo diidey kaadhkii dhalashada

Hore waxaan ugu qaaday oo aan ugu qaadey qabiilkeeda gabadh hawiya ah oo u dhaxdey reerkayaga

Tana waa la mid hadaan loogu diideyn ogaadeen baad tahay

Waliba inantani wey ku dhalatey
Waa la dhalay
Wey ku dhashay s/land sabab loogu diido anigu garan maayo

Wasiirka arrimaha gudaha waxaan ka codsanayaa inantaa inuu ugu yeedho xafiiskiisa xaal iyo kaadhkii laysugu daro

Hadii Caaqil loo baahdana annagaa u diyaara.

Chief Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe”

Xamse Cali Jeesto