New York: Madaxweynaha Somaliland oo lagu Qaabilay Xarunta Qaramada Midoobay iyo Kulankii maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalin-nimadii shalay safar shaqo ku tegay Magaalada New York ee isla dalka Maraykanka ayaa maanta xarunta guud ee Qaramada Midoobay kulan ballaadhan kula qaatay mid ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.