Iiraan ayaa soo Bandhigtay arin argagax iyo Cabsidii ugu weyneyd gelisey Israel,kadib markii Xogteeda Hubka la ogaaday .!

Iiraan ayaa soo Bandhigtay arin argagax iyo Cabsidii ugu weyneyd gelisey Israel,kadib markii Xogteeda Hubka la ogaaday .!

ILO xog ogaal ah oo Iran ah ayaa TV-ga Aljazeera u xaqiijiyey inay Iran u dirtay Israa’iil, iyadoo oo u sii marinaysa dal Yurub ka tirsan, fayl ay ku jiraan sawiro iyo khariidado Muujinaya Dhamaan meesha ay ku yaalan bakhaarada hubka Nukliyeerka, bayoolojiga iyo kiimikada ee Israel.

Iran ayaa sheegtay inay ogtahay dhamaan goobaha israel ay u yaalaan hubkeeda Nukliyeerka, bayoolojiga iyo kiimikada,ayna cadayn u tahay Sawirada iyo Khariidada ay u dirtay israel.

waxayna Iran intaas ku dartay in inta badan sawirada iiraan ka qaaday Goobaha kaydka hubka isarel ay ka sawireen Dhulka oo aan Dayacmeed gacmeeed lagu Sawirin,taasoo Israel ku noqotay dhul gariir iyo layaab.

Israa’iil ayaa marar badan hore u beddeshay goobaha ay ku yaalleen bakhaarrada kaydkeeda istaraatiijiga ah ee milatariga, Waxaase fajac noqotay faylka ay Iiran u dirtay Israel waxaa ku jira sawirrada meelaha ay waqtigan ku yaalaaan bakhaarrada cusub hubka ee israel.

Iiraan ayaa xaqiijisay in bakhaaradaas, xarumahaas iyo goobahaas israel hubku u yaalo inay Weerari doonto haddii Israel kusoo xadgudubto ama soo weerarto iiraan .

Qaar kamid ah Saraakiisha israel ayaa ogaanshaha iiran ay ogaatay kaydadka hubkooda inay la macno tahay Israel oo dhulka lala simay, Jabkii ugu weynaa ee ku dhaca tan iyo markii la asaasay israel.

Weli faahfaahin dheeri ah lagama bixin arintan ……