`Sayidina Cali bin abi dhalib allah ka rali noqdee ayaa Maalin Waxa uu u soo galay ” faadumo binti rasuulilh csw

`Sayidina Cali bin abi dhalib allah ka rali noqdee ayaa Maalin Waxa uu u soo galay ” faadumo binti rasuulilh csw.

Ayadoo Labadeeda Wiil ee ` Xasan iyo Xuseen Madaxa U dhaqeyso.

` Markii Ey U dhameysay dhaqida Weey U Shanleysay Ka dib Dharkooda ayeey dhaqday bur, Meesha yaalay ayeey qastay Muufo ayeey u dubtay intaas Sayidinaa Cali bin dhalib r.c
Wuu Taagan yahay Lamana eysan la hadlin.!!

` Cali bin Abi dhalib r.c Ayaa Ku yiri faadumooy maanta Waxan kugu arkay arrin cajiib ah labada Wiil Madaxa ayaad u dhaqday Ka dib Waad u shanleysay bur ayaad qastay Muufo ayaad qastay Waad dubtay , intaas dhan ilama Aadan Hadlin .!!

`Faadumo bintu rasuulilh csw Waxey Ku tiri; Caliyow ‘ Arrinkan Waan Sameeyay
maxaa yeelay Waxaan doonayaa in aan
U baxo Marti si eysan Caruurteyda u gaajoon Sidaa ayaan U Sameey Adigana kulama aanan hadlin , Waayo waan ku faaruqayaa dhawaan isma arki doono.

`Cali bin abi dhalib Ayaa ku yiri
“Waa Maxay Waxaad ku hadleyso faadumo.? Waxyigii Samada Ka Soo dagi jiray Waa ka go,ay yaa kuu sheegay warkan.?

`Waxey tiri Xalay Ayaa Aabahey riyo iigu yimid Wuxuna igu yiri gabadheydii faadumooy , `°Mudadii Waa dheeraatay , hilowgiina waa darnaaday, anigana Waan ku sugaya.

` Cali , Intaas Markuu ka maqlay faadumo Wuu iska Ooyay 😭😭 Hurdo iyo Nolol maxeey tareysaa markaan Adiga ku waayo ka dib.

`Ka dib Xasan iyo xuseen ayeey u yeertay Xasan waxey ku fadhiisisay bowdada midig halka Xuseena ku fadhiisisay bowdada bidix
ka dib Wajiyadooda ayey eegtay Waxeey ku tiri ayadoo Ooyneyso😥
Shalayta deydaay , aniga gadaashey yaa dharka idiin dhaqi doona , Oo yaa Madax idiin Shaleyn doona.

`Cali markuu hadaladaa Dhageysatay wuxuu ku yiri Geeridu Waa Mid adag lkn geerida dadka qarribka ah , iyo geerida dhalinyarnimda ayaa Ka sii xanuun badan.

‘ Waxuu ku yiri faadumooy Waxaan rabaa in Aan kula dardaarmo ` Markaad la kulanto Aabaha , rasuulka csw marka hore salaan iga gaarsii Waxaadna ku tiraahdaa Cali la kulankaaga hilow ayuu u qabay.

` Haddii Aadan raali iga aheeyn ha igu dacweeyn rasuulkii csw maxaa yeelay waxaan ahay nin faqiir ah😭 Aan garaneyn qadarta Aad mudan tahay.

Maalinta aad banka Carafo igu aragto anigoo malaa,igta zabaaniyada igu dhagan tahay ii shafeec.😭

`Waxeey ku tiri ; Waa qadayaa dardaarankada anigane Waxaan rabaa in aan kula dardaarmo Ee iga dhageyso ; markan dhinto Adiga i karfan adigana i duug iilkana adiga i dhig.

` Mida kale Aan kaala dardaarmayo waxeey tahay labadaas Wiil Ee Xasan iyo Xuseen
ha iga qeylinin, hana garaacin ballantas iga qaad. Waa ballan ayuu yiri cali r.c

`Markii Uu dardaaranka halkaa maraya Faadumo waxeey tiri Caliyow ` Hadda Waxaa ii Muuqdo Malkul-mowdka.

Isla maalintaa ayay Xasan iyo xuseen Masjidka u dirtay , Maxaa yeelay rasuulka csw Wuxuu faadumo r.c U sheegay Ka hor Saacado kaliya markii ey ka dhiman tahay rasuulka csw geeridiisa
dhagta Wuxu ugu Sheegay in ey 6bilood kaliya ka danbeeyn doonto dhimashadiisa.

`Haweeney guriga ka shaqeeyneysay Ayey faadumo la hadashay Ey Ku tiri qofna ha u ogalaanin in uu qolka iigu soo galo
maxaa yeelay waxaan ku mashquulayaa salaad Munaajaat rabi.

`Qolkii Ayey hoos ka soo xiratay Weey isu qubeysay Weey weyso qaadatay waxey is marisay Xanuudka meydka loo mariyo kaas oo ahaa xanuudkii rasuulka caw loo mariyay markii la dhaqay Kistoo ka hartay.
Wajiga ayey maro isaga dabooshay.

Towxiidka ayey markasta ku cel celineysay Malakuk mowdkii ayaa soo dagay islamarkiiba Weey ka baxday ruuxdii 😭😭

Waqti aroortii ah markii la gaaray waxaa gurigii ku soo laabtay labadii wiil xasan iyo xusen
Qolkii ayay ugu soo galeen waxey u maleeyeen in ey hurdeeyso Hooyadood 😥
Xasan ayaa Xusen ku yiri ka kici hooyo Waqtiga Salaada duhur Waa la joogaa.

Wiilkii wuxuu bilaabay in uu hooyadiis U wacay hooyo hooyo ka kac.
isla markii mid dhawaaqay ayaa ku yiri ` Sideed ugu kicineysaa qof meyd ah

`Markii ey wajiga ka feydeen waxaa ka baxay wajigeedii nuur waxaad moodaa in ey hurdeyso
Waxeey bilaabeen wiilashii Oohin Coloolyow hooyo la`aan Waa aduunka oo mugdi ah.

`Haweeneydii guriga joogtay iyadana waa iska ooysay deriska dhamaan Waalawada Ooyay
Masjidka ayaa laga soo baxay janaazadii aya sidaa lagu qaaday laguna aasay waxaa dhinaceeda dhulka dhiga cali bin abi dhaalib. Allaah ka raali noqdee.

Qisadan Oo faahfaahsan
Waxaan ka soo Tarjumay Kitaabka lagu magacaabo Minhaajul-caarifiina Oo Uu iska leeyahay Imaamka Gazaali.
منهاج العارفين الإمام الغزالي ؛
الصفحة231
Haddii Aad dhameyso aqriska allaah ku barakeyo Wll.
ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karin miizaanka allaah kuu saaro.

`Marka Xigto Ku Salli Xabiibkeena csw
Ka dib llaah dartiis u faafi.jzkllh kheyr.

Xigasho” Daaci Saacid Cusmaan