Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka hadlay arimaha baraha bulshada ee dhallinyaraddu sameyso laguna magacaabo “𝗣𝗿𝗮𝗻𝗸” waa xaaran laba arrimood aawadood:

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka hadlay arimaha baraha bulshada ee dhallinyaraddu sameyso laguna magacaabo “𝗣𝗿𝗮𝗻𝗸” waa xaaran laba arrimood aawadood:
” Waxa hadda ka socda baraha bulshada ee dhallinyaraddu sameyso laguna magacaabo “𝗣𝗿𝗮𝗻𝗸” waa xaaran laba arrimood aawadood:
1. Waa argagax galin 𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝘂𝗻𝗮 𝘀𝗰𝘄 waa nahiyey in qofka Muslimka ah laga nixiyo ama la argagax galiyo, Haddii uu qofka aad argagax galineyso ku dhinto arrintaas magtiisa adiga ayaa lagugu leeyahay! bal ka waran 100 halaad oo ciyaar kugu soo raacay? Waan ruwaayadeynayey iyo waan ciyaarayey ha kaa saarto.
2. Waa Been, Beenta in lagu ciyaaro 𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝘂 halaag ayuu u yaboohay mana bannaana in qofka Muslimka ahi dadka been kaga qosliyo haddii aanu joojinna waa ka qoomameyn doona kaga qoslinta dadka beenta iyo borobogaandada.”
Sheekh. Maxamed Sh. Cumar Dirir.