Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo Nairobi Kula Kulmay Dalalka Beesha Caalamka

Nairobi (SM)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd iyo Weftigii uu Hoggaaminayay, ayaa saaka booqday Xafiiska Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.

Wasiirka iyo Weftigiisa waxa Safaaradda ku qaabilay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Mudane Maxamed Axmed Barwaani oo ay weheliyaan Madaxa Iskaashiga Mashaariicda Horumarka Mudane Ismail Shirwac iyo Masuuliyiinta Safaaradda.

Waxaanay halkaas kulan kooban oo is xog-waraysi ah kula qaateen qaar ka mida Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Nairobi.

Geesta kale, weftiga wasiirka arrimaha dibada Somaliland, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saaxiibada Somaliland ee dalalka caalamka, ganacsatada Somaliland ee kenya.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Essa Kayd, ayaa safarkoodu daarranyahay dhaqaale ururinta masiibadii dabkii suuqa Waaheen.