Hargeysa (SM) – Arbacadii Shalay, waxa guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka dalka laga xusay 31 guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo sannad walba la qabto 18-ka bisha May.
Maamulka Dawladda hoose ee Degmada Maxamed Mooge oo qaban-qaabiyey ka qayb-qaadashada Degmadooda, ayaa Fagaaraha weyn ee lagu qabtay Xuska isla-markaana ay Gaardiska ku mareen Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida, isla-markaana ay fadhiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonnada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, Safiirrada dalalka Shisheeye u jooga Somaliland, Taliyeyaasha Ciidammada Somaliland iyo Wufuudda kale fadhiyeen, waxay Maamulka Degmada Maxamed Mooge ku soo bandhigeen Agabyo kala duwan oo muujinaya Ahmiyadda Xuska 18 May u leeyahay Qaranka Somaliland iyo Shacabkiisa.
Degmadan oo loogu Magac-daray Alle ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Jabhaddii SNM ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre ka xorreeyay Somaliland, ayaa xafladda 31 guurada Madax-banaanida Somaliland ku xardhay Taariikhda iyo Xusuusta Qaranimada Somaliland, iyadoo ka mid noqotay Degmooyinkii sida wanaagsan uga dhex muuqday xuska 18 May ee Warbaahintii sida tooska ah u tebinayey Xafladdu in badan amaaneen doorkooda xuskaasi.