Madax-dhaqameedka Beelaha Toljecle oo Baaq Culus ka soo saaray Xaaladda Dalka

Hargeysa (SM)- Madaxdhaqameedka iyo Odayaasha Beelaha Toljecle, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka ah inay khilaafka ka taagan Doorashooyinka ku dhameeyaan wada-hadal iyo dariiq sharci.

Madax-dhaqameed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxa ay ka digeen in la abuuro khaakhul iyo falal nabad-gelyada waxyeello u geysanaya.

Madaxdhaqameedka oo kulankooda baaq ka soo saaray, ayaa u jeediyey xisbiyada mucaaridka in aanay ku kicin talaabo dhaawacaysa amniga qaranka, xasiloonida iyo wada noolaanshiyaha umadda.