“Madaxweyne, Mowqifkaaga siyaasadeed ee doorashada labada Gole ka hor-caddee”

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta Berri khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeedin doona fadhi wada-jir ah oo ay Isugu imanayaan xildhibaannada labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada.

Xildhibaan Saleebaan Food oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu khudbaddiisa maalinta Berri ku caddeeyo mowqifkiisa ku wejahan doorashada Madaxtooyada oo hore loogu muddeeyey dhammaadka sannadkan oo muddo-xileedka madaxweynuhu ku eegyahay.