Somaliland: Xukuumadda oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedaysay inay Luminayaan Wakhtiga Doorashada

Hargeysa (SM)- Xukuumadda Somaliland, ayaa labada Xisbi Mucaarad ku eedaysay inay sabab u noqonayaan dib u dhac ku yimaadda Doorashada maadaama ay ka soo horjeeedaan go’aanka furista ururrada Siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta go’aan ka soo saaray bannaan-bax ay xisbiyada mucaaradku ka dalbadeen wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu sheegay in Xeerka doorashada ee xeer Lr.14/202 jideeyey qabsoomidda Doorashada iyo furitaanka ururrada siyaadda isla markaana ay goleyaasha Sharci-dejintu oggolaadeen.