Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo Si Rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey

Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee Somaliland ayaa maanta Si Rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland ayaa bilaabmay Sabtidii todobaadkan, waxaana Salaasadii soo gebo-gaboobay imtixaanka dugsiyada H/Dhexe.