Somaliland: Kumanaan Xujay oo Ka Baaqanaya Gudashada Waajibaadka Xajka

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay xujjaydii sanadkan tegi lahayd Xajku ka baaqanayaan, kaddib markii dawladda Soomaaliya siyaasaddaysay saamigii xujjayda ee Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Cabdirisaaq Albaani, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda wax xujjay ahi gudaha Somaliland uga diyaar-garoobin Xajka, sababtana ay leedahay Soomaaliya oo qoondo aan munaasib ahayn siisay.