“Annaga Isma Hayno Bilayska laakiin, Waxaan Is-haynaaa Haddaanu Nahay Xisbiga WADDANI Xukuumaddan Wakhtigeeddu Sii Socdo” Siyaasi Cabdifataax Ismaaciil Xuseen (Gamaameeye).

Hargeysa (SM)Siyaasi Xaaji Cabdifataax Ismaaciil Xuseen (Gamaameeye) Oo Ka Mid Ah Dhalinyaradda

 Aqoonyahanka Ah, Isla-markaana Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Sheegay In Cidda Ay Xisbi Ahaan Is-hayaan Ay Tahay Xukuumadda Wakhtigeeddii Sii Dhammaanayo Ee Uu Hogaaminayo Madaxweyne Biixi. Balse Aanay Xisbigoodda WADDANI Is-haynin Taliska Guud Ee Ciidamadda Booliska Ee JSL.
Siyaasi Gamaameeye Oo Siddan Ku Sheegay Qoraal kooban Oo Uu Ku Baahiyey Boggiisa Uu Ku Leeyahay Barta Facebook-ga Ee Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha, Ayaa Yidhi Siddan “Annaga Isma Hayno Bilayska laakiin, Waxaan Is-haynaaa Haddaanu Nahay Xisbiga WADDANI Xukuumaddan Wakhtigeeddu Sii Socdo Umanna Adkaysan Doonno Caddaalad Xumadda Iyo Sicir-bararka Ummaddan Hadheeyey Dhalinyaraddu Waa Hiika Isbadelka”