Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa iyo Falanqaynta Dadka Baahiyaha Gaarka leh

Hargeysa (SM)- Iyadoo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ay si habsami ah uga socoto Carwada 15aad ee Buugaagta Hargeysa, waxa shalay lagu marti-qaaday, soo-dhaweyn heersare ahna loogu sameeyey xubno ka tirsan Aqoonahanka iyo dadka hal-abuurka leh ee Aragga iyo Maqalka naafada ka ah.

Xubnahan oo ka tirsan ururka Naafada ee Somaliland ayaa kala ahaa Yoonis Cabdiraxmaan oo ah suxufi aragga naafo ka ah, Hodan oo ah gabadh aqoonyahan ah oo Maqalka naafo ka ah, Xaawa Jaamac Cabdi oo ah gabadh Aragga naafo ka ah oo Hal-abuurka suugaanta Eebbe hibo u siiyey iyo Lammaane lagu kala magacaabo Cabdifataax iyo Hoodo oo labadooduba aragga Naafo ka ah.

Xubnahan ayaa madasha xarunta Dhaqanka ku soo bandhigay taariikhdooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin noloshooda, waxaanay eray soo-jeedintooda iyo kalsoonida ay ku soo bandhigeen doorka ay bulshada kaga jiraan sababtay inay saamayn ku yeelato quluubta bulshadii ku sugnayd madasha.

Waxa ay xubnahani dareen qiiro leh ku soo bandhigeen mahad-naq iyo bogaadin ay ugu jeediyeen xarunta Dhaqanka ee Hargeysa fursadda ay siiyeen, waxaanay maamulka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku ammaaneen horumarka 15-jirsaday ee ay ku tallaabsadeen iyo kaalinta ay Qaranimada ugu jirto.

Gebo-gabadii waxa ay xubnahani madasha ku soo bandhigeen, bulshadana kula wadaageen hibooyin isugu jira hal-abuurnimo iyo xirfado kala duwan oo ay leeyihiin, iyagoo jawaabo ka bixiyey weydiimo ay dadweynuhu ka su’aaleen hab-nololeedkooda iyo xirfadaha ay hibada u leeyihiin.

Caweysinkii xalay ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Qayb ka ahaa Bandhigga 15aaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa, waxa qayb ka ahaa barnaamijyo khuseeya dhinacyada suugaanta iyo Dhaqanka, iyadoo madasha lagu soo bandhigay hees dhaqameedyo, gabayo iyo waraysiyo lala yeeshay Abwaanno iyo xubno ka tirsan ururrada Bulshada.