Hogaanka Xisbiga Waddani oo la kulmay Salaadiinta beelaha Bariga/Waqooyiga Gobolada Togdheer, Bariga Saaxil, Saraar iyo Galbeedka Sanaag.

Hogaanka Xisbiga Waddani oo la kulmay Salaadiinta beelaha Bariga/Waqooyiga Gobolada Togdheer, Bariga Saaxil, Saraar iyo Galbeedka Sanaag.

 


Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan iyo Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxman Maxamad Cabdillahi oo ay wehelinayeen saraakiil sare oo xisbiga ka tirsan ayaa kulan la yeeshay Salaadiinta beelaha Bariga/Waqooyiga Gobolada Togdheer, Bariga Saaxil, Saraar iyo Galbeedka Sanaag.

Xisbiga WADDANI ayaa Madax Dhaqameedkaa marti qaaday una muujiyey maamuus, qadarin iyo kalsooni. Waxa uu kulankaasi ku dhammaaday jawi fiican, waxaani lagu ballamay in xidhiidhka laba dhinac la joogteeyo.
Xoghayaha Warfaafinta – xisbiga WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal”.