Ila meerayso iyo Madaxwayne Muse Biixi:

Ila meerayso iyo Madaxwayne Muse Biixi:


Somaliland waxay guranaysaa midhihii ay beerteen oo ahayd doorashadii ay doorteen Madaxwaynahooda, waxaa la doortay Muse Biixi, waxaase la ogaaday inuu dalku u baahanyahay badbaado qaran sababtoo ah Madaxwaynaha joogaa wuxuu hayaa waddadii diktatarnimada ee Siyaad Barre isagoo:
1) Ku fashilmay una badheedhay inuu doorashada xilligeedii 17th November 2022 la meeraalaysto isagoo.
a) Ergadii oo uu diiday inuu la kulmo, riwaayadna la sameeyay Saleebaan Gaal oo
siyaasiin mucaarid ah oo uu la haystayaal u haystay sababtoo ah maxkamadi wax danbi ah kumay xukumin waxayna xaq u leeyihiin in weliba Xaal laga siiyo xadhigaa.
b) Guddidii koomishanka oo uu regaadiyay magacaabistoodi uuna magacaabay kaadirro Kulmiye ah, si loo diido waqtigana uu dib uugu dhaco.
2) Musuqqa lagu kacayo iyo tuugada xoolaha qaranka loo adeegsanayo in lagu laaluusho guurtida si looga helo waqti dherer. Tusaalo ahaan, boobka uu boobayo dhulka dadka shacabka ahi leehiyiin isaga iyo familigiisuba.
3) Maxkamaddii qaranka iyo Bilayskii oo uu jeebka gashaday oo dadkii sidii xoolaha uu odhanayo xerada ku xidh iyo sii daa oo ay markhaati ka day siyaasiintii uu yidhi sii daaya oo ay micnaheedu tahay madaxwaynahaa xidhay isagaana sii daayay.
Somaliland Xornimadeeda waxay u soo martay Halgan dheer oo ay dad iyo nafba ku waayeen, waana shacab u diyaar ah inay qiimahaa ay ku bixiyeenna mid ka badan ku bixiyaan.
Maantana shacabka waxaan leenahay xuquuqdiina xaq baad u leedihiin ee yaan laydin waabin. Halgankana wada dadku waa isbeddel doon una soo baxa oo dareenkiina si nabadgalyo ah ku muujiya idinka oo nabaddana ilaalinaya, markaa waxaynu sugnaaba waa siidhiga.
Dalka waa inay ka qabsoontaa doorashadu haddii kale waa inuu barlamanku isaga oo keliya ayaa xalaal ah ee maamulka ka wareejiyaa madaxwaynaha kuna wareejiyaa ku xigeenkiisa, Haddii kale Ra’iisul baarlamanku la wareego waayo guurtidu expire ayay tahay markeeda horaba.
Qore:
Saeed Mohamed – Isbeddel doon 05/07/2022