Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Daw-dar), Ayaa .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Daw-dar), Ayaa

 Fadhigii Maanta Ee Golaha Wakiiladda Ee Somaliland Ka Sheegay Amarro Culus Oo Uu Dul Dhigay Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee Ka Maqnaadda Bishii Toban Fadhi Sabab La’aan.
Guddoomiye Khaliif Wuxuu Yidhi Siddan “Waxaanu Sabtidda Horkeenaynaa Golaha Xeerka Anshax Marinta Oo Ay Ka Mid Tahay Muddannaha Bishii Toban Fadhi Siddan Oo Kale Uga Maqnaadda Sabab La’aan Inuu Waayi Doonno Gunnaddiisa”
“Xildhibaannadda Ka Maqnaada Golaha, Ama Qof Wasaaraddaha Iyo Suuqyadda Dilaallaya, Noqon Maayo Qof Matella Qaranka Iyo Ummaddii Soo Dooratay” Ayuu Yidhi Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Haddalkan Kasoo Yeedhay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Daw-dar) Oo Ay Saaka Dhinacyaddiisa Fadhiyeen Labaddiisa Ku Xigeen Md Siciid Mirre Faarax (Giirre) Iyo Md Cali Xaamud Jibriil, Ayaa Ku Soo Beegmay Xili Ay Fadhigii Maanta Ee Golaha Wakiiladda Ay Dibed Meer Ka Ahaayeen Tirro kooban Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Xisbi Xaakimka KULMIYE Oo Iyagu Sabab La’aan Uga Baaqday Fadhiga Golaha Baarlamaanka Ee JSL.