“Markaad saddexda xisbi soo saartaan baa madaxweynahana la dooranayaa” – Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dardaaran dhaxalgal ah siiyey xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka ee dhawaan kasoo gudbay ansixinta golaha wakiillada oo maanta hortiisa lagu dhaariyey.

Xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ee maanta madaxweynaha hortiisa yimi, saddex kamid ahna uu halkaas ku dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayuu madaxweynuhu ku adkeeyey inay hawshooda qaran u gutaan si xilkasnimo iyo dedaal ku jiro, dhexdana u xidhaan inay hawlaha ballaadhan ee doorashooyinka ee qaranku ka sugayo ay hore ka bilaabaan.