Maxaa Saaka Ka Dhacay Xaruunta Golaha Baarlamaanka Dalka (Wakiiladda Iyo Guurtidda) ?/War-bixin Uu Wariye Maxamed Cali Xaashi Ka Diyaariyey Xeerarkii Kartoonka Lagu Sidday.

Hargeysa (SM)- Wariye Maxamed Cali Xaashi Oo Ka Mid Ahaa Suxufiyiintii Saaka Ku Sugnayd Xaruunta

Labadda Gole Baarlamaan Ee Dalka (Wakiiladda Iyo Guurtidda), Ayaa War-bixintan Ka Diyaariyey Qaabkii Ay Wax U Dhaceen Markii Uu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Ee JSL Uu Golaha Wakiiladda Ee JSL Ku Soo Celiyey Xeerarkii Doorashadda Ee Ay Dhawaan U Soo Gudbiyeen.
War-bixinta Wariye Maxamed Cali Xaashi, Waxay U Dhignayd Siddan “Golaha Guurtidda Somaliland ayaa dib Golaha Wakiiladda ugu celiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 Iyo Xeerka Nidaamka Ururadda iyo Asxaabta Siyaasadda Ee Xeer Lr 14/2011.
Xeerarkan oo Golaha Wakiiladdu wax ka badal iyo kaabis ku sameyay 19/ September/ 2022, ayaa Golaha Guurtidda losoo gudbiyay 20 September, kadibna sida Guurtiddu sheegtay 46 xildhibaan oo kasoo horjeeda meel marinta wax ka badalka ayaa dacwad usoo gudbiyay, sidaa darteedna Wakiiladda ayay dib ugu celiyeen.
Xeerarkan oo iyaga oo kartoon ku jira laga soo saaray Xafiiska Arkiifiyada ee Golaha Guurtidda Somaliland, isla markaana ay ku murmayaan Labadda Xoghaye ee Guurtidda Garyaqaan Cabdinaasir  Aadan Beegsi iyo Xoghayaha Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Iyo Xoghaye ku Xigeenka Golaha Guurtidda Cumar Maxamed Faarax, iyo madaxa Itga ee Golaha Guurtidda Maxamed Dheerre, ayaa la arkayay iyaga oo hadalku ka tag taagan yahya isukulana kacay xagga xafiiska Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda, halkaasi wixii ka dhacay goob joog umaan ahayn balse intaas kadib waxa nagu soo noqday Xoghayihii ka socday Golaha Guurtidda oo aan sidin kartoonkii xeerarku ku jireen.
Waxyar kadib Xoghayaha Golaha Wakiiladda oo sida kartoonkii ay ku jireen Labadda Xeer oo raadinaya Xoghayihii Golaha Guurtidda ayaa nagu soo noqday, isaga oo ku dhawaaqa “Xoghayihii mee, Xoghayihii mee, waar xeerrkan hooya”
Inyar kadib waxa ay is heleen Xoghayihii Golaha Guurtidda oo gaadhigiisi wata oo xarunta baarlamaanka ka sii baxaya, cabaar ayay wada hadleen waxna iswaydiiyeen, balse muu istaagin Xoghayaha Golaha Guurtiddu sidaasi ayuu ku baxay.
Xoghayaha Golaha Wakiiladdu  isaga oo kartoonkii xeerarku ku jireen sita waxa uu dhigay barxada hore ee xafiiska arkiifiyada ee golaha guurtida, isaga oo amar ku bixiyay in aan ciddina qaadin, balse markii uu Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ka dhaqaaqay kartoonka xeerarku ku jireen isaga oo leh yaan ciddina taaban waxa is yidhi eeg Wariye Maxamed Cali Xaashi (Maxamed News), kadibna waxa isha ku dhuftay xoghaye Cabdirisaaq isaga oo ka cadhooday askarta ilaalada ka ah xarunta baarlamaankana ku amray in la xidho, balse markii danbe warbaahinta loo fasaxay in ay wariyaan sheekada xeerarka cid qabata la laayahay ee horyaala xafiiska kaydka Golaha Guurtidda.
Gaba’gabaddii Markii Xeerkii Cid La areegta la waayay waxa gacantiisa ku qaaday oo geeyay Xafiiska kaydka Golaha Guurtidda oo Wakhtiga shaqaynayay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Intaas kadib Afar Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Guurtidda oo Warbaahinta kula hadlay bannaankii la dhigay Labadda Xeer, Ayaa Shir-guddoonkoodda ku eedeeyay in ay eeda leeyihiin, Isla-markaana ay ku kaceen gaf iyo iska horkeen aan Waligeed Somaliland ka dhicin.
Xildhibaannaddan wax ka badalka kasoo horjeeda, oo Sheegay in ay Yihiin Aqlabiyadda Golaha Wakiiladda, Ayaa ku Doodday in Ansixinta wax ka badalka xeerarkan aan la waafajin Xeer Hoosaadka Golaha, Isla-markaana kooramka Golaha oo aan buuxin duuduub lagu Ansixiyey.
Haddaba, Qoraal ay Golaha Guurtiddu ku faahfaahiyeen sababta dib u celinta xeerarkan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Muddane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa u dhignaa sidan.
“Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha waxaanu go’aan sanay in wax ka badalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo Golihii Wakiiladda”.
Wax ka badalka xeerarkan ayaa ogolaanaya in la is raacin karo Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururadda Siyaasadda, qodobkaas oo ay ka biyo diideen mudanayaasha taageersan in Doorashadda Ururaddu soo horayso.
Khaddar Ali Khum “Shiine”