Talo Xumada Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Dimuqraadiyada ay Somaliland Ku naalonaysay oo bohol ku dhacday.

Talo Xumada Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Dimuqraadiyada ay Somaliland Ku naalonaysay oo bohol ku dhacday.
Waxa ayaan darro ah marka hore in Golahan waqtigiisu dhacay inuu talada dalka wax ku yeesho. Laakiin waxay u muuqataa dalkan madaxwayne wax kala furdaaminayaa ma jiro, Golahii baarlamanka ee xalka keenayna aayahii dalka waxa ay maraysaa in kartoon wax laysugu dhiibo oo laysku tuurtuuro.
Qoraalka ay golaha Guurtidu ku faah faahiyeen sababta dib u celinta xeerarkan, ayaa lagu yidhi “Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha …waxaanu go’aan sanay in wax ka badalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo golihii wakiilada”.
Khilaafku ka taagan yahay arrin wal oo baarlamanka la soo mariyo khilaaf kama dhammaado, sifo loogu soo celiyana ma taallo mar hadduu si sharci ah u soo maray ee waxa muuqata inuu guddoomiyuhu aanu u badheedhi karaynin inuu go’aan qaato sababta oo ah dhinac buu ka raran yahay.
Somaliland Baarlamankeediina waa u laalanyahay, oo bilayskii ahaa inuu shir guddoonka ka amar qaato si uu u maamulo si uu si nabadgalyo ah u wato hawl maalmeedkiisa.
Golaha baarlamanku waxa uu leeyahay wadiiqo ay u xalliyaan khilaafkooda siyaasiga ah, oo ay tahay inay soo mariyaan dariiqada la gudboon.
Said Mohamed Sayidmaxamed2022@gmail.com