Kulan Diimeed Wacyigelin ah oo Lagu Qabtay Cusbitaalka Dhimirka ee Sahan

Hargeysa (SM)- Cusbitaalka Sahan oo lagu dabiibo isla markaana xirfado lagu baro Dadka xannuunka Dhimirku hayo, ayaa maanta kulan-diimeed baraarujin ah u qabtay Xarunta Cusbitaalka oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Kulan-diimeedkan oo Qayb ka ah Wacdi iyo muxaadarooyin si joogto ah lagu soo marti-qaado Culimada waaweyn ee dakja, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Cusbitaalka Sahan Mental Hospital.

Sheekh Maxamed Haybe Geelle oo kulankan marti ku ahaa, ayaa halkaas ka jeediyey muxaadaro diini ah.

Ka Daawo Muuqaalka Hoose