Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xidhiidh la soo sameeyay xukuumadda Somaliland xilligii uu mucaaradka.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa xidhiidh la soo sameeyay xukuumadda Somaliland xilligii uu mucaaradka ahaa sida uu sheegay wasiirka Biyaha Somaliland Cali Marreexaan.

Xasan Sheekh, ayaa kaalmo waydiistay Somalilland xilligaasi si meesha looga saaro madaxweyne Farmaajo.

Somaliland ma caddayn nooca kaalmadaasi iyo waxyaaabaha ay ka caawiyeen balse waxa ay sheegtay in uu kuwacad furay markii uu guullaystay.

Dhawr goor oo hore ayaa Somaliland sheegtay in aanay wax shaqo ah ku lahayn doorashooyinka Soomaaliya oo ay tahay dal madaxbannaan, iyadoo dhinaca kalena xidha dadka taga Muqdisho ee siyaasadda lagu tuhmo.