Somaliland Oo Shir Deg deg ah Ka Yeelatay Qayla-dhaan Ka Soo Yeedhay Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mudane Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) ayaa maanta Xafiiska kulan kula Qaatay ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee DIWA.

Kulan waxa wasiirka ku Wehelinayay Gudoomiyaha Ha’yadda dhawrista Tayada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed cabdi xergeeye iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.