Somaliland: Wasiir Khaati Ka Jooga Goleyaasha Baarlamaanka Oo Ku Haftay Su’aalo oo La weydiiyey

Hargeysa (GNN)- Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kulan Xog-wareysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxaanay guddigu wasiirka weydiiyeen su’aalo la xidhiidha hawsha wasaaradda iyo cabashooyin soo gaadhay xildhibaannada.

Wasiir Toorno ayaa bilowgii kulanka, waxa uu xildhibaannada ku celiyey hadal u muuqday kaftan oo u dhignaa, “Maxaad Iiga Yeedhaysaan, ma macdaan baad iga baadhaysaan?, isagoo wasiirka hadalkiisu ka dhignaa in tirada inta jeer ee guddiyada kala duwan ee Golaha Wakiilladu wasiir u yeedhay gaadhay dhowr jeer tiroba laba toddobaad gudihii.

Wasiirka ayaa guddiga uga jawaabay su’aalo badan oo la weydiiyey, halka qaarkoodna uu wasiirku ku haftay jawaabtooda.

Dhinaca kale, Golaha Guurtida oo fadhigoodii maanta kaga dooday siyaasadda waxbarashada ee dalka, ayaa xildhibannada qaarkood dalbadeen in loo yeedho wasiirka si su’aalo looga weydiiyey arrimo door ah oo goluhu isla qaatay inay wax-kaqabasho u baahan yihiin.