Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL oo ka Warbixiyey Kulan Dhexmaray Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada

Hargeys (SM)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa ka warbixiyey Kulan uu maanta la qaatay Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Guddoomiye Eng Cali Cabdilaahi oo saxaafadda kula hadlay Xarunta Golaha kaddib markii kulanku soo idlaaday, waxa uu ka warbixiyey qodobbada laga wada-hadlay, isagoo dhinaca kale ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey hawlaha Baanka Dhexe u hayo Qaranka.