Madal Kulmisay Culimada Hargeysa oo Midnimo Ku Baaqay

Waxa xalay magaalada Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey Duruus Diini ah oo muddo 2 Bilood ah ka socotay Masjidka Ibraahim Dheere, waxaana duruustan lagu baranayey Laba Kitaab oo Fiqi ah.

Kutubta ayaa kala ah Kitaabka IRSHAADKA oo uu marinayey Sheekh Mowliid Qorane iyo Kitaabka MINHAAJKA oo uu marinayey Sheekh Bashiir Sh Xuseen).

Waxa Kulanka ka Qayb-galay Culimada Hargeysa qaarkood oo hadallo ka jeediyey. Culimada Kulanka ka Hadlay ee aanu Baahintan ku soo qaadannay ayaa kala ah Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Xildhibaan Axmed Dayib, Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh Almis Sh Yaxye iyo Sheekh Dr Xasan Sh Cali Warsame oo dhammaantood ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Culimada iyo isla markaana la xoojiyo Mahdabka Shaaficiyada.