Mozambique 10 sano ka Dib waxa ay dhoofisay Gaaska Dabiiciga ah ee

Mozambique 10 sano ka Dib waxa ay dhoofisay Gaaska Dabiiciga ah ee dareeraha ah , maxaynu ka Baran karnaa W/Q MOHAMED ADEN HASSAN
Mozambique ayaa si rasmi ah u bilowday dhoofinta gaaska dareeraha ah ee laga soo saaro waqooyiga dalkaasi oo ay ragaadiyeen weerarada jihaadiyiinta.
Madaxweyne Filipe Nyusi ayaa ku dhawaaqay Axaddii (Nov 13) , Waa shixnaddii ugu horreysay ee gaas hoos timaada heshiis iibsi oo muddo dheer ah oo lala galo shirkadda weyn ee BP OO ah oil industry company xurun teeduna tahay magalada London.
Mozambique waxay rajo weyn ka qabtaa kaydka gaaska dabiiciga ah ee baaxadda leh — kii ugu weynaa ee abid laga helo Afrikada Saxaraha ka hooseeya — kaas oo laga helay waqooyiga gobolka Cabo Delgado 2010kii.
Mozambique – mid ka mid ah quruumaha ugu saboolsan adduunka – waxay calaamad u tahay dhammaadka tobanka sano ee sugitaanka si lacag looga helo mid ka mid ah gaaska ugu weyn ee Afrika ee keeni kara badhaadhe ama khasaare sida looga bartay wadamada in badan laga soo saaro tamarta dabiiciga ah e ilaahay aduunkan nimco ahaan u dhigay balse ay dunida dawladda yari ka faa”idaystaan o ay lasoo baxaan.
Maxaa Caqabad ku ah Dalka Mozambique ka dib soo saarista gaaska dabiiciga ah?
Waxaan halkan hoose ku soo koobaynaa caqabadaha jira ama iman kara e ragaadin kara soo saarista waxsoo saarkan kaydsanaa e dabiiciga ah:
1. Mozambique waa dal African ah isla markaana aad u sabool ah o aan haysan kayd dhaqaale oo buuran taasi waxay sahlaysaa dhibaatoyin badan o dhinac walba taban kara.
2. In aan si wacan loo maamulin khayraadkaas la helay isla markaana aan dhaqalihiisa si wacan looga faa”idaysan taas o dabka kusii shidaysa xasaradihi hore u taagnaa.
3. Waxa jira jihaadiyiin iyo dad is raacsan o ku wareegsan goobta laga helay shidaalka taas oo keeni karta xasilooni daro wayn isla markaana hor seedi karta caqabado nololeed oo aad iyo aad u adag.
4. Xiisada bini’aadantinimo oo ka tagan dalka oo dhan gaar ahaan haba usii darnaade degaanka laga helay khayraadkan dabiiciga ah ee Cabo Delgado.
5. Mozambique ayaa wali la daalaa-dhaceysa kacdoonka militari ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka qaniga ku ah gaaska ee Cabo-Delgado; iska-horimaadka afarta sano socday ayaa sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 4,000 waxaana ku barakacay ku dhawaad hal milyan oo qof waa sida ay sheegen warbixino iyo cilmi baadhisyo la daabacay in muddo ah.
6. Caqabadaha bulshada iyo deegaanka (Social and environmental challenges) oo iman kara iyaga oo ka cadaadis iyo hawlo badan sidii markii hore.
7. Haddii ay dagaalo yimaadan waxa meesha ka bixi kara dalka, iyo dadka isla markaana waxa sii badanaya dhibaatoyibka iyada oo markii horeba Africa ahayd hooy dhibaatoyin iyo xasarado isla markaana ay cimilidda dunida ay is badalaysaa ay usoo raacday.
8. Barakac bulsho sida aan ognahay goob laga helay saliid ama shidaal ama gas waxa yimaada in dad laga raro goobahoodi maadama ay Africa tahay meeshu dadka inta badan lama dajin goobo iyo guryo kuwoodi badal u noqda taas o ka cisay colaado huursanaa oo saamayn taban dalka ku yeeshay.

Ugu dambayntii inagu waa inaga lasoo baxayna shidaal in mudo ah aan tuhun sanayn in uu ku jiro degaan keena hadaan nahay soomali maxamed , inta aan hada ognahay Somaliland , Somalia , iyo Somali galbeed ayaa shidaal kooda la sahimayay o waxaaba dabka soo saran in la soo saaro, halka meelo laga soo saaray ah dhul somaliyeed taas o aan faa”ididisa si rasmiya loo garanayn cida hawsha gacanta ku haysana ay tahay cid kalaba sidaa daradeed Somali maxamed waxaan kula talin lahaa in ay wax badan u dhag yeeshaan o wax badan laysla eego oo horta dibu xorayn la sameeyo ka dibna hawlaha sida ay isagu xig xigaan loo kala hor qabto si aan badhaadhe u Gaadhno iyo isku filnaasho nololeed intaas waxaan ku soo koobaynaa mawduuc yar oo aan wax ka fahmi karno hadda caqabadaha inagu hareeraysan.

Waad mahadsantihiin.
Contact:
Email : moadam203@gmail.com
Twitter: https://twitter.com/PoliticianAdam
ILAAHAY AYAA MAHAD LEH