MUXUU SALKA KU HAYAA ISMARIN-WAAGA SIYAASADEED EE SOMALILAND?

W.Q. Maxamuud Cabdillaahi Axmed

Faysal, Biixi iyo Cirro

Waxa beryahan dambe hadal-haynta bulshada Soomaalida ku soo noq-noqotay su’aal ah: maxay salka ku haysaa muranka siyaasadeed ee murgay ee Somaliland (SL) maanta ka jiraa? Jawaabta su’aashaas waxaa laga heli karaa warqaddii mudane (md) madaxweyne Biixi ku soo celiyey baarlamanka uu ku diiday saxeexa iyo dhaqan-gelinta xeer lambar 14/2021. Warqaddaas oo ku suntanayd taariikhda 20/07/2021, lagana hor akhriyey baarlamanka 21/08/2021. Xeer lamb. 14/2021 waxa uu fasaxayey furista ururada siyaasadda iyo qabashada doorasho ay ku soo baxaan xisbiyo ruqsad cusub haystaa.

Warqaddaas oo aad u dheerayd wuxuu madaxweyne Biixi ku nuux-nuuxsaday sababaha uu ku diiday dhaqan-gelinta xeerka lamb. 14/2021; oo ay ugu horrayso in dhaqan-gelintiisu toos uga hor-imanayso taariikhda loo qoondeeyey doorashada madaxtooyada (13/11/2022) oo dastuuri ah, kana mudan hannaan doorasho kasta oo  ku soo baxay xeer baarlamaan.

Waxay warqaddu intaas ku dartay in taariikhda furista ururada siyaasadda ee xeer lamb. 14/2021 – 6 bilood ka hor inta aysan dhicin ruqsadda xisbiyada hadda jiraa – ka hor-imanayso taariikhda loo qoondeeyey doorashada Guurtida. Waxa kale oo warqadda md. Biixi tilmaantay in xeerka lamb. 14/2021 qoddobkiisa 10aad uu xusayo in ururka siyaasadeed ee xisbi noqonayaa helo 20% codadka gobollada, taasoo ka soo horjeedda “Xeerka Doorashooyinka Guud”, qoddobkiisa 80aad oo dhigaya in doorashada ururada liisanka xisbinnimo qaadanayaa ay ka dhacdo heer degmo.

Haddana horraamihii sannadkii 2022 ayuun baa la arkay md. Biixi oo si xoogggan, gabbasho lahayn, u riixaya, farayana hay’adaha dawladda in tartankii ururada siyaasadda/xisbiyada la furo, lana dardar-geliyo. 3dii bisha Janaayo 2022, ayey xildhibaano xisbiga Kulmiye ka tirsani dacwad geeyeen maxkamadda sare, iyagoo ku andacoonaya hirgelinta xeer 14/2021. Jawaabtii maxakamaddu waxay noqotay in arrinkaasi yahay shaqo baarlamanka u taal, kol, haddii madaxweynuhu soo celiyey xeer lamb. 14/2021.

Bishii May 2022 waxa baarlamanku ansixiyey xubnaha guddida diiwaan-gelinta; oo 14/08/2022 ku dhawaaqay inay diiwaan geliyeen 15 urur-siyaasadeed. Md Biixi waxa uu fagaarayaal badan kaga khudbeeyey doorashada xisbiyada siyaasaddu inay dhici doonto dabayaaqada bisha Disambar 2022, sida dardaarankii uu siiyey guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo Khudabaddii madaxweynaha ee sannad-laha ee bishii May 2022, oo uu md. Biixi ku goodiyey in lagu biyo-cabbo doorashada ururada/xisbiyada. Laakiin ilaa hadda looma hayo xeerkii iyo hannaankii ay doorasho ku geli lahaayeen.

Mucaaridka oo arrimuhu sida ay u socdaan ka biyo-diiday, liqina kari waayey, marinkii siyaasadduna isku soo ooday, ayaa miciin biday bannaan-bax bishii Ogost 11keedii 2022, halkaas oo ay ka dhasheen dhimasho ilaa 7 qof ah iyo dhaawac badan, ka dib markii ciidamadu u adeegasadeen rasaas nool, dad tiro badanna xabsiyada loo taxaabay. Md Biixi oo dhacdadaa ka fal-celiyey wuxu u nisbeeyey in xisbiga Waddani gacanta loo geliyey “Xirsi Cali X Xasan” oo aan meelna u soo marin, dadkii ku tabcay xisbigana isaga dartii uga tegeen. Weedhaas oo dadweynaha ku noqotay af-kala-qaad.

Halkaas waxa ku fur-furantay masaladii jawaabta loo la’aa:  maxaa md. Biixi uga daba yimi warqaddii uu ku diiday dhaqan-gelinta xeer lamb. 14/2021, Ilayn waayeel qawl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacadaye, madaxweyne-na hadalkiisaba daa? Jawaabtii masaladu waxay noqotay: waxa md. Biixi maankiisa beddelay doorashadii “Xirsi Cali X. Xasan” loogu doortay guddoomiyaha Waddani bishii Nofembar 2022; hadalkaas oo  u marag kacay xantii siyaasadda ee awalba suuqa ku jirtay. Md. Biixii iyo guddoomiye Xirsi waxay hore, si aad ah, isugu colaysteen Xisbiga Kulmiye dhexdiisa; hiirtaanyadiina, weli, madaxweynaha kama hadhin. Talow, ma xintan baa bulshada gedaanka loo saarayaa!

Arrinka murankaa siyaasadeed waxa galay madax dhaqameedka Somaliland oo gobollada oodhan isaga yimi, laakiin nasiib darro faro-madhan ayey md. Biixi kala soo noqdeen. Waxa kale oo iyana arrinka galay ganacsatada oo soo jeediyey in la isku sidko doorashada madaxtooyada iyo ta ururada, baarlamankuna ka hawlgalo sharciyeynteeda, laakiin md. Biixi ma garawsan. 19 kii bishii Sebtembar 2022 ayuu golaha wakiilada Somaliland ansixiyeen soo jeedintii ganacsatada, kaabisna ku sameeyeen xeerka Doorashada Guud. Taasina uma qudh-qudhsamin md. Biixi. Mar walba mowqifka Biixi waa sharciga ayaan raacayaa.

24kii bishii Sebtember ayey guddida doorashooyinka ee cusbi ku dhawaaqeen inay sagaal bilood gudahood ku qaban karaan doorashada keliya ee suuragalka ah, doorashada madaxtooyada. Hadda xasuuso in toddobada xubnood ee guddidaas, 5 ka mid ahi ay ka socdaan xagga muxaafidka. Haddana, mar kale dhegeey jalaq, iyo sharciyaddaan ka xigaa. Maalmo ka dibna beesha caalamaka ayaa ugu baaqday md.Biixi inuu qabto doorasho la isku wada raacsan yahay. Haddana, sidii oo kale iyo sharciga ayaan raacaya.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxu u shaxay inuu rido taariikh kasta oo ku astaysan  geedi-socodka doorashooyinka, muddo dhaafiyo, laga soo bilaabo markii uu kala diray guddida doorashooyinka bishii May 2022. Ilaa imikana intii badnayd wuu ku guulaystay.

Haddaba gorfayntaa dheer ka dib, gunaanadku laba-labays ma leh: xeerkii lamb. 14/2021 ee uu md. Biixi ku soo celiyey baarlamanka, haddana ka soo hor-jeestay, waxay ka dhigan tahay halqabsiga laga reebay boqorkii xeerka iyo damaciisu isku mid ahaan jireen ee yidhi: la joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan.

Sharciga siyaasadda ayaa hagta. Siyaasaddana maslaxadda guud ayaa hagta. Ilaahoow madaxdannada midkaas garan sii. Ha loogu duceeya madaxda Soomalida oodhan: in Ilaah samaha tuso.

Wa Billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillaahi Axmed

Email: maxamuudaxmed@live.com