Somaliland: Manhajka Waxbarashada Oo Lagu Darayo Xiftiga Qur’aanka Kariimka Oo Xiisad Gaara noqonaya

Guddiyada Horumarinta Waxbarashada Degmooyinka Somaliland, ayaa shir-sannadeedkooda ka soo saaray qodobbo lagu xoojinayo waxbarashada dalka isla markaana kor loogu qaadayo tayada manhajka waxbarasho.

Guddiga Horumarinta waxbarashada degmooyinka dalku waxa ay isla qaateen in Qur’aanka Kariimka ahi noqdo maaddo ka mid ah manhajka waxbarashada dalka isla markaana in la abuuro Sanduuq u gaar ah daryeelka Macalimiinta.