“Waxaan Idiinku Bushaaraynaynaa In Aanu Dirnay Qalabka Lagu Baadho Macdanta” – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta

Hargeysa (SM)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macanta iyo Tamarta ee Somaliland Foosi Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Wasaaraddu dalka dibaddiisa ka dalabtay dhawaanna la keeni doonto Qalabka lagu baadho Macdanta.

Agaasime Foosi waxa uu sheegay kaddib markii ay arkeen inay Shacabku fahmeen Ka Faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah oo dalkeennu qani ku yahay ay wasaarad ahaan ku dhiirradeen inay dalka dibaddiisa u direen Mishiinka lagu baadho noocyada kala duwan ee macdanta.

“Waxaanu idinku bushaaraynaynaa inaanu dirnay Mishiinnada lagu baadho macdanta oo noo imanaya laba ilaa saddex bilood, tanina waxay inoo suurto-galinaysaa inay ogaanno waxa uu yahay,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka hadlay kulan ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud.