Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in aan laga laaban doonin oo ay sharci tahay muddo kordhinta madaxweyne Biixi loo sameeyay

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmiya u sheegtay in aan laga laaban doonin oo ay sharci tahay muddo kordhintii laba sannadood ahayd ee madaxweyne Biixi, loo sameeyay.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub, ayaa yidhi.

“ waxa ay u xalaal tahay muddo kordhintaasi sidii ay xalaal u ahayd, tii Cigaal, Riyaale, Siilaanyo, wax beddelayaana ma jiro, waxana ay ku dhammaanaysaa November 2024.”