Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland Oo Caddeeyey Mowqifkooda Wada-hadallada Somalia

Hargeysa (SM)- Dublomaasiyiin u dhashay dalalka Turkey iyo Norway oo shalay soo gaadhay Hargeysa, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI.

Dublomaasiyiinta oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland oo ay ka wada-hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Haseyeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay xalay, madaxweyne Muuse Biixi waxa uu labada ergay u sheegay in dib u bilaabista wada-hadallada labada dhinac ay hirgeli karaan oo kaliya haddii la fuliyo qodobbadii ka soo baxay wada-hadaladii hore oo aan ila hadda ka hirgelin dhinaca Soomaaliya.

Haddaba, kulanka Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda Mucaaradka iyo dublomaasiyiintan oo lagaga hadlay mowqifka axsaabta mucaaradka ee ku wejahan wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa ay axsaabta mucaaradku u sheegeen in aanay habayaraatee wakhtigan haboonayn in wada-hadalada dib loo furo.

War kooban oo ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka, ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha UCID iyo WADDANI oo safiirrada u sheegay in aan wax wadahadal ah lala furi karin Soomaaliya ilaa laga xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka.

“Ergada iyo madaxda mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, waxaanay madaxda mucaaradku ay ergada u sheegeen in aanay immika haboonayn in dib loo bilaabo, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan doorashooyinka,” sidaa waxa lagu sheegay war kooban oo axsaabta mucaaradku ka soo saareen kulanka.

Madaxweynaha Somaliland oo xalay la kulmay safiirrada Turkey iyo Norway, waxa uu Md Muuse Biixi u sheegay labada dublomaasi in aan wada-hadalada lala furi karin Soomaaliya ilaa la fuliyo toddoba Qodob oo uu kow ka yahay in ugu horeyn Soomaaliya ay fuliso dhamaan heshiisyadii hore loo galay.

Dublomaasiyiinta Turkey iyo Norway, ayaa Salaasadii dorraad magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa caddeeyey inay ka go’antahay sii anba-qaadista wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.