Kaaliyihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika sidoo kalena soo noqday Safiirka US ee Ethiopia iyo..

Kaaliyihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika sidoo kalena soo noqday Safiirka US ee Ethiopia iyo Guinea Mr Tibor Nagy, ayaa sheegay in la so gaadhay xilligii Maraykanku xafiis ka furan lahaa Hargeysa.

“Ugu dambayn, Somaliland waxay awood u leedahay inay ka qayb gasho barnaamijyada Waaxda Difaaca Maraykanku fuliso, iyadoo lagu saxeexay hindise-sharciyeed Koongaraysku gudbiyey. Tallaabada xigta ee Maraykanka laga filayo ayaa ah inuu xafiis ka furto Hargeysa, si la mid ah waddamada kale ee dunida.”

Sharcigan cusub haddii madaxweyne Biden, saxeexo Somaliland iyo Maraykanku waxa ay yeelan doonaan Iskaashi dhinacyo badan leh.