Maayirka caasimada hargaysa Mudane ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐บ ๐๐
๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ผ๐ผ๐ด๐ฒ ayaa booqasho ku imid saaka ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐น-๐ฏ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ป
Maayirka oo booqday qaybaha kala duwan ee ay jaamacadu ka koobantahay , sida maktabada , hoolka , fasalda oo ay ardaydu xiisado ku qaadanayeen , xafiisyada kala duwan ee jaamacada iyo qaybaha kale ee ay jaamacadu ka koobantahay ,
Maayirka ayaa talooyin siiyay ardayda xiisadaha kujirtay , Maayirku waxa kale oo uu kulan la qaatay maamulka jaamacada waxayna warbixin kasiiyeen jaamacada iyo aasaaskeedi iyo qaybaha ay ka koobantahay iyo adeegyada ay bulshada uqabato maayirku waxa uu bogaadiyay maamulka jaamacada iyo sida ay ugu hawlan yihiin soo saarista culimadii dalka iyo u adeegista diinta.
Dhanka kale maamulka jaamacadda ayaa uga mahad naqay duqa caasimadda hormarka u sameeyey waxanay gudoonsiiyeen shaahado sharaf