Maayirka Hargeysa Oo Ka Dhawaajiyey Loolan Somaliland Kaga Socda dalalka Ethiopia iyo Somalia

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa ahna Maayirka Caasimadda, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sawir guud ka bixiyey caqabado Qabyaaladdu hormuud u tahay oo hortaagan horumarka iyo dowladnimada Somaliland.

Maayirka Caasimaddu wuxuu dhiirrigeliyey doorka ka qayb-qaadashada hoggaanka iyo horumarka dalka ee dhalinyarada oo uu ugu baaqay inay u hub-qaataan sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen horumarka iyo dowladnimada Somaliland.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa arrimahan ku soo qaatay weedho dhiirrigelin iyo gubaabo isugu jira oo uu ka jeediyey shirweynaha 10aad ee Daladda ay ku midaysan yihiin ururrada aan dowliga ahayn ee dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Hargeysa.