Muwaadin beer hal geed, si aad u badbaadiso baradaada, iyo buulkaaga.

Muwaadin beer hal geed, si aad u badbaadiso baradaada, iyo buulkaaga.

Munaasibadda sanadka cusub ee miilaadiga ah ee 2023-ka, waxaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa, dhamaan shacbi weynaha Somaliland, ee ku firidhsan daafaha dunida. Waxaan leeyahay, sanad wacan oo wanaagsan.
Sanad waliba wuxuu leeyahay, dhacdooyin togan, iyo kuwo taban, kuwaas oo xiskeena ku reeba xasuus, iyo xogo xambaarsan taariikh. Sidaa darteed, waxaan eebe ka baryayaa in uu sanadkan cusub, inooga dhigo mid doobir leh, oo danbar iyo duco badan aynu ka durduurano.

Bilowga iyo balaysinka sanadka cusub ee 2023-ka, waxaan jecelahay in aan dadkayga la wadaago, laba fariimood oo kooban, kuwaas oo aan u arko in ay yihiin muhiim.
Noloshu waa halgan iyo hayaan dheer, oo u baahan dedaal badan, iyo naf huris joogto ah. Waxaa hubaal ah, in dedaalku tiir dhexaad u yahay, geediga iyo guusha nolosha if iyo aakhiro.
Allaheen oo ah ka cid kasta ugu run badan, wuxuu yidhi:- Reer nebi Adam waxay leeyihiin, wixii ay shaqaystaan oo kali ah. (وَأَنْ لَيْسَ لِلإِنسَانِ إِلَّا مَا سَعَى)
Waxaan leeyahay, ummadaha ifka guuleysta, waxaa gun-dhig u ah, dedaal, daacadnimo, isku duubni iyo hami durugsan.
Haddaba, , waxaa inaga reeban, niyad jab, wahsi, dib u socod, iyo is dhiibid.
Allahayoow maxaa ka run badan hal-kudhigyadan hoos ku xusan:
Fadhi iyo fuud yicibeed, la isku waa.
الإرادة القوية تقصر المسافات
Impossible is a Word, found in the dictionary of fools.

Fariinta labaad, waxay ku saabsan tahay isbedelka cimilada dunida. Kubadan yar ee aynu ku nool nahay, waxaa saameyn weyn ku yeeshay isbedelka ku yimi cimilada dunida. Taas oo horseeday xaaluf, abaaro ba’an oo is daba joog ah, daadad iyo duufaano roobab wata, oo da’aya xilliyo aan loo baran. Waxaan far waaweyn ku dhigayaa, ma jirto taws iyo tabaale ka weyn, isbedelka cimilada xumaatay, oo la deris ah, san ku neefle idilkii Sanadkan, iyo kuwa soo socda inteba. Sidoo kale, waxay arrintani inooga baahan tahay talo iyo tabaabulshe qaran oo tayo leh, kuwaas oo xoojinaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada.

Ugu danbayn, si aynu uga hortagno xaalufka deegaanka, waxaan leeyahay ma rumaysanaysaa in hal geed oo aad beertay, uu badbaadin karo baradaada iyo buulkaaga.
Allahayoow, maxaa ka run badan, wixii rag u kaco, rabina aqbalo, way rumoobaan.

Maxamuud Xaashi
Guddoomiyaha ururka Kaah.