Somaliland Halkay ka socotaa Halkayse ku socotaa:

Somaliland Halkay ka socotaa Halkayse ku socotaa:
Somaliland waxay gashay marxalad murugsan, Xaaladda Geeska afrika ka taaganna waa meel aan degenaansho ka Jirin marka aad eegto Somali Federal, Djabouti oo nin kale ka yahay diktaatoor iyo Ethiopia oo Qawmiyado u dagaallamaysa.
Xaaladda Somaliland oo ahayd mid deggan ayaa Xaaladdaha ka taaganna is bedeleen oo maamulka hayaa awood maamul iyo aragti dheer midna uma leh xaaladda taagan, waxaa taagan dhallin yaradii oo aan shaqo lahayn, Maciishaddii oo kacday, Dugsiyo waxbarasho oo bilaash oo aan ku fillayn shacabka, Waxaa kale oo ka baxday gacantii dawladda Magaalada Laascaanood.
Maamulka haya imminka waxaa habdhaqan u noqotay adeegsi Horgal iyo ila meerayso uu ku sameeyay Laascaanood iyo Xisbiyadii Mucaaridka ahaa, Mar uu yidhaah Koomishankii ayaan kala diray iyo maru yidhaah ninkaa mooje nin kale noqon maayo Koomishan iyo Mar uu ergo diid ku noqdo culimo, salaadiin iyo guurtiba uu yidhaah waxaa ay ila muuqato ayuunbaa sharci ah.
Wuxuu awood xoog oo dhiig leh ku dilay dadwaynihii ay ahayd inuu xuquuqdooda ilaaliyo ee reer Laascaanood, shalayna waxay ahayd mudaaharadyadii ka dhacay Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo.
Madaxwaynaha waqtigu ka dhacay waxa uu ahaa kii 1994kii lahaa duco qaadan maayo anigoo wax dili karaaya, oo uu lahaa maalintaa garxajis (Militia) waa Somali Wayn, waxaana arrinkaa ku wehelinay Maryo alool ay kow ka yihiin Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Gaal. Somalidu waxay ku maahmaahdaa geelow, geelow daaq maalinta aad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa.. Markaa maanta waxay ku margadeen kacdoonkii shacabka Dhulbahante (Daraawiishtii) . Ciidanka Jiidda joogaana si caqli leh ayay adeegsadeen oo shacabkii wax tallaabo ah oo ay ka qaadeen ma jirto oo way ku ammaanan yihiin iyada oo Musa Bihi iyo Maxamed kahin rabeen in Gacanta la saaro oo dagaal dhaco.
Kacdoonka Laascaanoodna waxaa laga bartay in marka bulsho is beddel rabto horta in horgalka layska qabto, dilalkii dhici jirayna taas ayaa u asaas ahayd baan qabaa, ka dibna la odhanayo garan mayno cid dishay..

Khatumo aasaaskeedii waxa uu bilaabmay xilli Maraykanku taageerayo Somalia meeshii aan maamul ka jirin si ay u samaystaan Maamul goboleed si shabaabka looga hortago, waxaana raggii madaxda ahaa ka mid ahaa Cali Khaliif Galaydh, oo aakhirkii Siilaanyo iyo Guddoomiye Faysal Ali Waraabe la heshiiyay, heshiiskaana Muuse Biixi aanu fulin ila meeraysana waqtigii kaga dhammeeyay, sababta ugu weynina ay ahayd Cali oo aan haysan taageeradii Suldaanada Dhulbahante oo uu maalintaa Cali Khaliif u baahnaa.
Fikirka meesha yaallaana waa Dhulbahante oo aan puntland doonayn rabana Midowga Somalia Iyo Fikir kale oo ah nationalist Somalilandnimo ah.
Wuxuu rabaa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn inuu maamul goboleed ka sameeyo.. Garaadada meesha joogaana ma jihayn siyaasad ahaan bulshada halkaa deggan oo ku kala fikir duwan lana dhowraayo shirkooda ka socda Laascaanood waxa ay ku taliyaan.
Xalka Somaliland Looga Baahanyahay:
Xalku waxa weeye in dastuurka la furo Xisbiyo, lana ogolaado in dadku xisbiyo yoolkoodu yahay Somali wayn ka tartami karaan Somaliland dhexdeeda sida waqooyiga Ireland. Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiyada Somaliland ayaan kala hadlay arrinkaa isaga muddo dhowr sano ka hor ah waxayna iigu jawaabeen waar xisbigii arrinkaa u ololeelaya cod ayuu waayayaa oo waxaa lagu shaanbadaynayaa Somali wayn wayna ka gaabsanayeen laakiin anigu waxaan arkayay Dad badan oo reer Somaliland ah oo fikirkaa qaba.
Jihadii la xisaabtami lahayd ee golayaasha qarankuna waa laysu xoog sheegtay oo golahii shacabka ee la soo doortay ayaa waxaa go’aankii shacabka soo gaadheen oo kartoon intay ku soo celiyeen roobka u dhigeen.
Golaha guurtiduna oo aan Sharciba ahayn wuxuu kororsaday 5 sano madaxwaynahana 2 Sano ayay uugu dareen… tani ilaahay bee leedahay ee talo qaran bay u baahantahay.
Waxaa Qoray: Said Mohamed 25/01/2023