DAGAALKA DEKADAHA, GARAADADA IYO DAGAALKA LAASCANOOD.

DAGAALKA DEKADAHA, GARAADADA IYO DAGAALKA LAASCANOOD

Xabad joojinta ay kaligeed ku dhawaaqday waa gacan qaad aan laguu ogayn is wadh baa la yidhaa!
Somaliland waa dhab way ku fashilantay siyaasad ahaan sida ay u waajahday dagaalka ka jora Laascaanood ilaa bilowgii kacdoobka mana ay dareensanayn in xaaladani tahay Mid mudo dheer laga soo shaqaynaayay. Ilaa hadana ma muuqato isla jaanqaad siyaasadeed oo ah xaga hogaanka sare, kan ciidamada, kan siyaasiyiinta iyo xisbiyada qaranka, ka wacyi gelinta guud ee bulshada, waxaanay xaaladu u muuqataa mid jaha-wareer ah (state of helter-skelter)

Waxani wax iska dhacay maaha e waa siyaasad la qorshaynaayay in ka badan 9 sano ugu yaraan oo la kowsatay xiligii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo u ololaynaayay in uu madaxweyne ka noqdo Somalia.
Ka dib Farmaajo markii uu ka tanaasulay jagadiisii Raysal wasaarenimada wuxuu isu muujiyay in uu yahay nin Ethiopian ka neceb taasna wuxuu ugu Dan lahaa inuu ku kasbado taageero dhalinyaro badan. Farmaajo ii gee baa ka dhacday.
Balse aronta aan dad badani ka war qabini waxa weeye isticmaalka aalada Internet ka oo uu sameeyay wax loo yaqaano ‘social media trawling) oo ah qaab dad tiro yar oo koobani uga samaystaan social media platforms ka kala duwan accounts fara badan, iyagoo isticmaalaya dhalinyaro caan ku ah baraha bulshada.
Waa sababta keentay in fanaaniin badan oo u dhashay Somaliland, weliba kuwooda ugu firfircooni ay Mogadishu tagaan oo farmaajo kusoo dhaweeyo. Ka dibna marka ay Somaliland kusoo noqdaan loo xidho xadhigoodana looga faa’iidaysto in dhalinyarada lagu abuuro nacayb Somaliland na loo muujiyo in ay tahay meel dadka lagu cabudhiyo baraha bulshadana quluubta lagaga xado dhalinta.

Waxa kale oo aanay Somaliland fahmin siyaasadna ka lahayn hindisaha ah in maadaama Somaliland ku suntanayd mudo dheer meel nabad ah, democratic ah, system dawladnimo leh isla markaana aduunyadu danaynayso in la isku dayo si kasta oo horumarkaa loo ciidayn karo.

Waxaa jira tartan xaga horumarka ah, waxaa jira tartan xaga infrastructure ka ah, waxaa jira tartan xaga ganacsiga ah.
Dhismaha iyo balaadhinta dekada Berbera iyo maalgelintii DP World waxay indhaha u furtay dadyow badan oo ku tartamaaya adeega ito suuq gaynta badeecadaha badaha uga soo degi kara Ethiopia loona suuq gayn karo Ethiopia.

Sidaa daraadeed horta colaada ka jirta Laascaanood ma aha Mid ku salaysan nacayv isir mana aha Mid salka ku haysa qabiil iyo dawlad ama Somaliland iyo Dhulbahante.

Ugu horayn waa in aynu fahanaa Dadka dabada ka riixaya colaadan iyo ujeedooyinkooda. Sidoo kale waa in aan fahanaa ujeedooyinka ito danaha ay ka kala leeyihiin shisheeyaha faragelunta ku leh arintan.

1. Tan iyo markii la dhisay dekada Garacad lana dhamays tiray waxaa maangal u muuqatay in si dekada Garacad u hesho suuq dhanka Ethiopia la abuuro xaalad colaadeed oo saamaxda ama suuro gelisa in beelaha Daarood helaan dekad ay kaga maarmaan Berbera Port. Si taas loo hir geliyona waxaa Garaadadan mashruuc lagu siiyay in ay colaad ka abuuraan gobolka Sool oo ay u arkaan (potential Catchment Area) ama meelo Dekada Garacad laga soo Camiri karo.

2. Ismail Omar Ghelle. Waxaynu maqlaynaa eedayn ka imanaysa dhinaca beelaha Daarood oo odhanaysa madaxweynaha Djibouti ayaa hubsiinaaya Somaliland ama taageersan Somaliland oo la safan. Arintaasi sida loo dhigaayo maaha. Ghele waa Mid ka Mid ah daneeyayaasha wadamada dekadaha leh ee ku yaala geeska Africa waana ka ugu wayn ee Ethiopia supply gareeya. Isagu wuu fahamsanyay in cadka rag isku haystaa yahay dhaqaale, waxaanu jilibka u gelinayaa dhaantada sacabkana u dhabq8nayaa s dekadaha geeska ku yaal iyo umadaha leh uu colaad iyp xasilooni daro uga abuuro. Waa gorayadii lugna ciyaarta kula jirtay midna debeda la joogtay.

2: hadaan usoo noqdo dagaalka Laascaanood iyo sida loo turjumaayo ama narrative ka labada dhinac. Waxaad moodaa dhinaca Somaliland inay weli ku dhego barjaysanyiin sida wax u dhacayaan xaga dhanka kale rayigi u muuqdo Mid hadaf iyo qorshe midaysan laga leeyay.
Waa sidii maahmaahdii labadii wiil ee midba sac u foolanayee, xaalada Somaliland kala kulantay dagaalkan waa selel iyo sakati u qaadan waa ah:
“ninkiise xalay saqdii dhexe
sardho gama’ a leday baa
Soo toosay subaxoo
Lagu yidhi sacaagii
Dibi Seeman buu dhalay”

Waxaan uga jeedaa xukuumadu kama ay diyaar garoobin xaaladan cadowguna wuu inaga diyaar garow fiicanyay sida muuqata. Iyada oo aynu ognay wajiga sucub ee xaalada dagaalka Laascanood maraayo oo la xaqiiqsaday in dawlado shisheeye ku jiraan waxay ila tahay in xukuumadu dagaalka ka badheedho. Waayo hilbaha aan qalano midiyahana aan qarsano meel ma wada galaan.

3. Qodobka 3aad. Maahmaah baa tidhaa “geel diday didiib ma leh, Rag is dilay ka daa ma leh”
Waxan uga jeedaa, tone ka ama sida weli dawlada Somaliland uga hadlayso arintan iyo sida colaada iyo dhiilada leh ee loo sawirayaa waa kala jaad. Qarankan iyo umadiisa taageersani kuma saamixi karto xukuumada in ay ooyaan oo hoos u ilmeeyaan oo maalin walba hal-doorkoodii oo dhintay digashona u heheliso habeen walba dadku yididiilo xumo ku se3xdaan.

4. Ugu dambayn waxaan dawlada Somaliland kula talinayaa in ay iclaamka control garayso, oo ay siyaasad ku hagto qaranka, in ay aamusiiso sameecadaha xag jirta ka ah, wadaadada farageliya siyaasada dawlada ee jumcayaasha masaajidada kaga hadla waxyaalaha qaranimadeena kala dhantaalaya.
Fiirogaarahna u yeelataa hogaamiyayaasha dhaqanka ee weedhadoodu u kale muuqdaan dan iyo halkee dagan iyo halkeen dugsadaa ee hadaanu nahay reer hebel leh.
Ugu dambayn, dalku wuxuu galay dagaal ku lid ah jiritaankiisa oo cadow badani iska soo kaashaday, waxay ila tahay in hawsha hore la isaga dhamaystiro qarankana loo sameeyo bar tilmaadeed cayiman oo marxaladan wax lagaga bedeli karo.

 

Wa billaahi Towfiiq
Yassin Ismail